Joe Biden oo jawaab kulul ka bixiyey weerarkii uu Trump ku qaaday Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa jawaab kulul ka bixiyey aflagaadada iyo weerarka uu madaxweyne Trump mar kasta kula kaco Soomaalida.

Trump ayaa ku eedeeyey Biden inuu doonayo inuu sare u qaado qaxootiga imanaya Mareykanka 700%, oo uu dalka soo geliyo qaxooti ka imanaya “dalal halis ah oo argagixisada ay ku xooggan tahay sida Soomaaliya oo kale.

Biden oo shalay tegay gobolka Soomaaliya ay ku badan tahay ee Minnesota ayaa sheegay in Trump ay ceeb ku tahay inuu Soomaalida qaxootiga ah ee Mareykanka yimid uu la xiriiriyo argagixiso.

“Trump wuxuu isaga oo aan ceeb ka xishooneyn qaxootiga Soomaalida ah – saaxiibo nolol wanaagsan ka raadinaya America, oo wax u taraya gobolka iyo dalkeena – la xiriirinayaa argagixiso. Waxaan u baahannahay madaxweyne dadka isku keena ee aan kala fogeyn,” ayuu yiri Biden.

Waa markii saddexaad ee Biden uu si shaacsan u difacao Soomaalida mar kasta uu weerarka uga yimaado Trump.

Hadda ka hor Biden waxa uu yiri “Xiriir xooggan ayaan la leeyahay bulshada Soomaalida gobolka Delaware, sababtoo waxaa ku jira taksi wadayaal badan, oo aan kula saaxiibay boosteejada magaalada Wilmington.” Delaware waa gobolka uu degan yahay Biden.

Madaxweynaha Donald Trump ayaa xoojiyey dagaalka iyo aflagaadada uu ku hayo Soomaalida, sababo la xiriiro dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya isaga iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Wuxuu ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.