Khabib Nurmagomedov oo jawaab kulu ka bixiyey gefkii Macron ee Nebiga NNKH

Moscow (Caasimada Online) – Feeryahanka dhowaan howlgabka noqday ee reer Russia Khabib Nurmagomedov ayaa si kulul Jimcihii u cambaareeyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay kasoo yeereen hadallo gef ku ah islaamka.

“Allah qaadirka ah wejigiisa ha beddelo aadanahan (Macron) iyo dhammaan inta raacsan, kuwaasi oo ayaga oo qiil ka dhiganaya xoriyadda hadalka, u gefay dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu Khabib ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram.

32 jirkan ayaa sheegay in Muslimiinta ay Nebi Muxamed u jecel yihiin si ka badan qof kasta, oo ay ku jiraan hooyooyinkooda, aabayaashood iyo xaasaskooda.

“I aamina, daan-daansigan waa uu kusoo noqon doonaa,” ayuu yiri Khabib

Khabiib ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Instagram aayadda 57-aad ee suurta Al-Axzaab ee oraneysa:

إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينً

“Kuwa dhiba Allah iyo Rasuulkiisa, Allah ayaa lacnaday (naxariistiisa ka dheereeyey) adduunyada dhexdeeda iyo aakhiro, Allaha ayaana wuxuu u diyaariyey cadaab dulleeya.”

Qoraalka Khabiib Nurmagomedov ayaa waxaa sidoo kale raacsanaa sawirka Macron oo wejiga kab laga saaray.

Macron ayaa maanta sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.