Xog cusub: Yaa ugu cad cad qabashada guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Sheekh Abukar Maqaneey, wasiirkii hore ee arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee maamulka HirShabeelle iyo Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsana safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa ah labada xubnood ee ugu cad cad doorashada guddoonka baarlamanka HirShabeelle, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka.

Labadaan mas’uul oo midkood la sheegay in ay wadato Villa Somalia ayaa wada abaabulka ugu badan saacadihii ugu dambeeyay ee maanta waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu maanta balansaday Xildhibaano badan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kana tirsan baarlmaaanka cusub ee HirShabeelle.

“Cabdixakiin Luqmaan iyo Sheekh Abuukar Maqaneey ayuu dhaxmari doonaa tartanka ugu adag laakiin Cabdixakiin waxa uu heestaa lacag waayo waxaa taageerysa madaxtooyada oo meesha keensatay rajada ugu badanna waa isag,a” ayuu yiri mid ka mid ah baarlamaanka HirShabeelle oo la hadlay Caasimada Online.

Abaabulka iyo kulamada ayaa billawday duhurkii maanta kadib waxaana soo baxaya in kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Jowhar kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Doorashada HirShabeelle oo maalmihii la soo dhaafay laheyn xiiso badan ayaa hadda gashay marxalad daga, waxaana socda kala jiidashada xildhibaanada ah kadib markii maanta la shaaciyay guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka.

Maalmaha ugu horreeyo ee bishaan November ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana kadib la geli doonaa doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.