MACRON oo ka laabtay taageeradii uu u muujiyey sawir gacmeedyada gefka ku ah Nebi Muxamed NNKH

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.

“Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan.

Macron ayaa horey u sheegay in France aysan joojin doonin sawir gacmeedyada, isaga oo ka hadlayey dilka macalin loo gowracay sawir gacmeedyadan dartood, kadib markii uu tusay ardaydiisa.

Hadallada Macron ayaa carro xoogan ka dheliyey dunida Islaamka, gaar ahaan maadaama ay yimaadeen maalmo un kadib markii uu sheegay in diinta Islaamka ay tahay mid qalalaase ku jirta meel kasta oo dunida ka mid ah.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa jiri dad roga Islaamka ayaga oo sheegayana inay difaacayaan diintan.”

Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ay yihiin kuwa saameynta ugu weyn kala kulma dhaqanka kuwa Diinta qalloociya.

Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah.

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray.

Laba maalin ka hor, nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisia ayaa saddex qof toorey ku dilay magaalada Nice, isaga oo mid ka mid ah oo aheyd haweeney gowracay, kadib carradii ka dhalatay sawir gacmeedyada lagu aflgaadeynayo Suubanaha SCW.