Xog: Sidee ayaa lagu reebay gudoomiyihii baarlamanka HirShabelle Sheekh Cusman?

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto kursigiisa Xildhibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay.

Kursigaan waxa ku tartamayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku guuleestay. Sheekh Cusmaan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa guddoomiyihii hore ee Beladweyne mana soo bixin labadooduba.

Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qoray saacadihii ugu dambeeyay ee saakay, iyadoona sidoo kale xalay kursigaan lagu qoray Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay saakay kadib cadaadis badan oo la saaray ugaaska beesha.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan, islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cusmana Barre oo aan kalsooni badan ku qabin Villa Somalia.

“Saakay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu cadaadiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo xalay iyo shalayba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta guddiga farsamada ee soo xulista baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa qeybta ganacsiga ee Safaaradda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa madaxtooyada islamarkaana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo siiyo kursigaan.