Sawirro: John Kerry oo ku dhaawacmay FRANCE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Xoghayaha arrimaha dibeda dalka Maraykanka Mr John Kerry uu soo gaaray dhaawac fudud kadib markii uu galay shil isagoo kaxeynayey baskiil.

John Kerry oo ka faa’iideysanaayay wakhtigiisa nasiinada ayaa waxa uu shilka galay isagoo kaxeynaayo Baaskiilka xili uu ku sugnaa meel ku dhow buuraha Alps ee dalka Faransiiska.

kerry1John Kerry oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah ayaa waxaa dhaawiciisa fudud loo qaaday isbitaal ku yaala dalka Switzerland halkaas oo uu uga qeyb galayey kullanka ku saabsan barnaamijka niyuukliyarka ee Iraan, sida laga soo xigtay BBC-da

Sidoo kale, John Kerry ayaa lagu wadaa in uu u duulo Madrid si uu uga qeyb galo saxiixa heshiiskaasi maalinta isniinta ee fooda nagu soo heyso.

kerry2Dhaawaca John Kerry ayaa ah mid fudud waxaana la soo warinayaa in nabar yar uu kasoo gaaray lugta bidix, kaasi oo aan wax dhibaato ah u geysan muuqaalka John Kerry.

Geesta kale, Afhayeen u hadlay xoghayaha ayaa sheegay in xaalada John Kerry ay tahay mid degan islamarkaana dhaawaca uusan aheyn mid saameyn u geystay oodadiisa, balse waxa uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto sida uu dhaawaca usoo gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com