Sawiro: Siilaanyo oo garwaaqsaday inuu booqdo barakacayaashi ay wajiga u dadabtay Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa maanta booqday xerada la dajiyay Soomaalida kasoo carartay dagaalada ka socda dalka Yemen.

Siilaanyo ayaa waxa uuu cagta soo mariyay dhamaan teen-dhooyinka loo dhisay Soomaalida waxa uuna gacan qaaday qaar kamid ah muwaadiniinta xerooyinkaasi ku sugan.

Barakacayaasha ayaa Siilaanyo uga waramay dhacdadii ay kala kulmeen Ciidamada Maamulka iyo kuuwa Dekada Berbera qaabilsan, hayeeshee Siilaanyo ma uusan aheyn mid u dhaga nuglaa wax ka qabadka dhacdadaasi.

Waxaa ka muuqday barakacayaasha daryeel la’aan iyo duruufo gaar ah, mana jirto cid ka tirsan Maamulkaasi oo weli iska xil saaray wax u qabashada barakacayaashaasi.

Kormeerka kadib ayaa waxa uuu Siilaanyo kormeer kale ku soo maray Dekeda berbera oo wejigii labaad ee balaarinta dhamaad ku dhow lana filaayo inay usbuuca danbe ay soo gebegabawdo.
1

2

3

4

5

7

8

9