Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Soomalida iyo Liyuu Boolis iyo XASUUQ dhacay maanta !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu xiligaani ka socdo xaddka Gobolka Galgaduud la wadaago Itoobiya kaasi oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo Ciidamada Liyuu Booliiska.

Dagaalkaani ayaa maanta galay maalintii lixaad oo xiriir ah, waxaana la soo warinayaa in kan maanta socda uu ka xoogan yahay kuwii maalmahaani socday.

Dadka deegaanada lagu dagaalamayo ayaa warbaahinta u sheegay in wali ciidamada Liyuu Booliiska ay xasuuq ku hayaan shacabka deegaanada dagaaladu ka dhacayaan iyagoo caruur iyo haweenba aan dhaafin.

Nuur C/llahi oo kamid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in dagaalka maanta socda ugu yaraan ay ku geeriyooden ilaa 16 ruux oo shacab ah, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 14 kuwaasi oo iminka lagu dabiibaayo guryaha.

Waxa uu sheegay in dhaawacyada aan lala gaari Karin goobaha caafimaadka isagoona xusay in Ciidamada Ethiopia ee Liyuu Booliska ay hor istaagen in dhaawacyada lala gaaro xarumaha Caafimaadka.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Liyuu Booliiska laftoodu khasaare badan gaaray markii dadka deegaanku iska caabin kala hortageen.

Xaalada ayaa ah mid weli isku cakiran waxaana cabsi laga muujinayaa inuu sii xoogeysto dagaalka oo uu kusii baaho deegaano kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com