Jubaland iyo Puntland oo go’aan kasoo wada saaray heshiiskii Dhuusamareeb 3

Garowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen ku qaadacay qodobadii 21-kii bishan kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee looga heshiiyey arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in Madaxweynayaasha Dowladaha Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaan iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay 21 August 2020 shir khadka telefoonka ah kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dalka Soomaaliya.

“Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxay, ayagoo ixtiraamaya aragtida ka qaybgalayasha, cadeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19kii August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qaybgashay shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay intaas ku darreen inay cadeynayaan inaysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirka Dhuusamareeb ka dhacay.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hoosta ka xariiqay inuu dhacay qalalaase siyaasi ah intii u dhaxaysay Dhusamareeb 2 iyo 3, kuwaas oo ay u sababeeyeen inay diidaan shirka Dhuusamareeb 3.

Jubaland iyo Puntland ayaa sheegay “inay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhanyahay oo lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021, ayna noqoto mid wakhtigeedii ku dhacda, si isla ogol ahna looga heshiiyo hanaanka loo marayo qabsoomidda farsamo iyo maamul ee doorashada.”

Hoos ka aqris war-saxaafadeedka labada maamul.