Muuse Biixi oo kulankii ugu horeeyay la qaatay wakiilka cusub ee Itoobiya + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee dowladda Itoobiya ay dhawaan usoo magacowday Somaliland, kadib markii uu hoos u dhacay xiriirkoodii.

Madaxweyne Biixi iyo Amb Siciid Maxamed Jibriil ayaa waxay si qoto dheer uga wada-hadleen xiriirka labada dhinac ee muddooyinkii dambe sii xumanayay, maadama sanadihii u dambeeyay ay Itoobiya saaxiib dhow la aheyd dowladda federaalka.

Kulankaasi oo ahaa midkii u horeeyay ee dhex-mara labada Mas’uul ayaa waxa kale oo looga hadlay dar-dar gelinta wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha horumarka, ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Waxaana lagu lafo-guray sidii ay Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayen arrimaha amniga, maadama ay wadaagan xuduud dhuleed baaxad leh.

Kulankan ayaa imanaya maalmo kadib markii uu Wakiilka cusub ee Itoobiya, Amb. Siciid Maxamed Jibriil uu soo gaaray magaalada Hargeysa, kadib markii laga soo ambabixiyey magaalada Addis-Ababa.

Amb. Siciid Jibriil ayaa dar-dar gelin doona howlaha shaqo ee xafiiska Itoobiya ee Hargeysa, oo muddooyinkii dambe haawanayey, kadib markii uu meesha ka baxay wakiil hore ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid dib usoo nooleynaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Somaliland oo muddooyinkii dambe mugdi badan galay, maadama ay walaac xoogan ka qabto in xukuumada Biixi ay garabka saarto Masar, oo kala dhaxeyso xiisada webiga Nile-ka buluuga ah.