Xisbiga Wadajir oo cadeeyey mowqifkiisa ku aadan heshiiska Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey gudaha Dhuusamareeb iyo heshiisa lagu gaaray.

Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiisku uu qabyo yahay, islamarkaana ay ka maqan yihiin labo dowlad goleedyada iyo saamileyda siyaasadda dalka, balse Xisbiga Wadajir ayaa xusay in heshiiskaas uu arko mid gogol xaar u ah doorashada.

Sidoo kale xisbiga ayaa tilmaamay in heshiiska uu dhigayo doorasho aan toos aheyn, taas oo uu sheegay in lala soo daahday, islamarkaana dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay ku fashilantay qabashada doorasho iyo qof cod ah.

Warka ka soo baxay Xisbiga Wadajir oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay si loo fuliyo heshiiskaas in loo baahan yahay in wada-hadal lala furo Jubbaland, Puntland iyo saamileyda siyaasadeed, si loogu qanciyo.

Waxa kale oo uu Xisbigu ka digay muddo kororsi iyo inay dib uga dhacdo doorashada xilligeeda.

Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa u mahadceLiyey shacabka iyo madaxda Galmudug oo marti-geliyey wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso: