Ganacsatada Kenya oo soo jeediyey qorshe ay qaadka ku keenayaan Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Kenya oo tan iyo markii la joojiyey Qaadka la keeni jiray Soomaaliya wajahayey culeyso dhaqaale ayaa haatan soo jeediyey qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay Jaadka ku soo galayaan gudaha Soomaaliya.

Xubnaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka ee wadanka Kenya ayaa ka dalbaday dowladda dalkaasi inay u furto xadka, si Qaadka uga soo gudbiyaan halkaasi, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay ka diiday dalabkii ay u jeediyeen.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen si maalinle ah ay u soo gudbin karaan 20 tan oo Qaad ah, haddii loo furo dhanka Sohdinta, kuwaaas oo ay geynayaan deegaanada Jubbaland.

Waxa kale oo ganacsatada Qaadka Kenya ugu baaqeen dowladda dalkaasi inay wada-hadal la furto xukuumadda Muqdisho, si loo gaarao xal wanaagsan.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Nyamita Kimathi Munjuri oo ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya ayaa xusay in haddii loo tixgeliyo go’aankaas ay ka soo kaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo gaaray inta lagu guda jiro Covid-19.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay markale dowladda Soomaaliya ay amar adag dul-dhigtay diyaaradaha Qaadka ka keena dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana hay’adda duulista rayidka hawada ay wacad ku martay inay tallaabo ka qaadi doonto diyaarad kasto oo ku gudubta hawada Soomaaliya, inta dib looga fasaxaayo Qaadka.