30.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Jubaland oo ka hor timid go’aan ka soo baxay DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland ayaa go,aan ka soo saartey Warqad horey uga soo baxdey Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalaka Soomaaliya, taasi oo aheyd in  Ardeyda Dugsiyada Sare Waajib looga dhigeyay in ay galaan labo Imtixaan.

Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa ku baaqdey in dib loogu noqdo go,aanka maadaama aysan duruufta Ardeyga Soomaaliyeed u saamixi karin inuu galo Labo Imtixaan.

Wasaarada waxbarashada Jubbaland ayaa sheegtay in golaha wasiirada iyo Madaxweynaha Jubbaland ay kala tashatay sidaasna lagu amray in hal imtixaan laga qaado ardada Soomaaliyeed gaarahaan kuwa deegaanada Jubbaland.

Halkaan hoose ka akhriso go’aanka kasoo baxay Jubbaland 

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]  

- Advertisement -

Read more

Local News