Jubaland oo ka jawaabtay hadalkii madaxweynaha ee dowlada Kenya iyo Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa jawaab ka bixiyey wareysi uu madaxweyne Farmaajo siiyey taleefishinka Universal oo qeyb ka mid ah uu ku sheegay in Kenya ay faro-gelin xooggan ku hayso arriamaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka madaxweynaha ee ah in Kenya ay kusoo gar-darrootay xuduudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Farmaaju uu yahay “mid aan laga fiirsan oo colaad ka dhex abuuraya bulshada labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale sheegay inusuan jirin “xiriir gaar ah” oo ka dhaxeeya maamulka Jubaland iyo dowladda Kenya, islamarkaana labada dhinac ay u dhaxeyso “kaliya dersinimo wanaag.”

“Kenya waxay ka mid tahay ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, waxaana kala shaqeynaa amniga, wax kalena nagalama dhaxeeyaan,” ayuu yiri.

“Haddii la rabay inaan deriskeena la colowno, lama coloowi doono, si kastaba ha loo dhigo balse Kenya waxaa nagala dhaxeeya xuduud 800 oo KM ah.”

Hoos ka dhageyso codka wasiirka