Sacuudiga oo war ka soo saaray kulan la sheegay inuu dhex marayo Maxamed Bin Salmaan iyo Netanyahu

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

“Ma jiro wax kulan ah oo la qorsheeyey inuu dhex-maro Saudi Arabia iyo Israel,” waxaa sidaas taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee Al-Arabiya u sheegay Amiir Faisal bin Farhan, oo ka jawaabayey warbixin uu qoray wargeyska Haaretz ee Israel.

“Siyaasadda Sacuudiga way caddeyd tan iyo markii dagaalka uu billowday. Ma jiro xiriir u dhaxeeya Saudi Arabia iyo Israel. Boqortooyada waxay si dhab ah u dhinac taagan tahay Falastiin.”

Israel iyo Sacuudiga ayaa wadaaga dan mid ah oo ah inay ka hor-tagaan Iran, ayaga oo u arka Tehran inay tahay halistooda ugu weyn, hase yeeshee Saudi Arabia ayaa ku adkeysaneysa in xiriir kasta oo ay la yeeleneyso Israel uu ku xiran yahay inay ka baxdo dhulka Carbeed ee ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa bishii tagtay kasoo dhinac muuqday madaxweyne Trump oo kulan ka dhacay Aqalka Cad kusoo bandhigay qorshihiisa Nabadda Bariga Dhexe, oo ogolaanaya in la abuuro dal Falastiin, balse ka duwan hindisihii Sacuudiga ee 2002.

Hoggaanka Falastiin ayaa diiday qorshaha Trump, oo ay sheegeen inuu si xooggan ugu hiilinayo Israel.

Hase yeeshee dalalka Khaliijka ayaa soo dhoweeyey dadaallada Washington, tallaabadaas oo loo arkay inay xiriirka Washington, oo muhiim u ah ka hor-tagista Iran, ay ka door bidayaan taageerada Falastiin.

Sanadii 2017, wasiir ka tirsan Israel ayaa sheegay inay xiriir hoose la leeyihiin Riyadh, halka Radio Israeli ah uu sheegay in Maxamed Bin Salman uu saraakiil kula kulmay Israel, taasi oo horseeday beenin rasmi ah oo Sacuudiga ay soo saareen.

REUTERS + VOA