Wareysi: FARMAAJO oo ka hadlay xiisadda Jubaland, Puntland iyo khilaafka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan siyaasadda dalka, sida xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar, kan wadamada Khaliijka, doorashooyinka iyo arimo kale.

Madaxweyne Farmaajo oo wareysigan siiyey TV-ga Universal xilli uu joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu qiray in dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu sheegay in ay adeegsaneyso Jubbaland, taasna aysan aqbali doonin.

“Kenya fara-gelin hanagu sameyso laakiin maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxey karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta ayeyna u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyn Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii la shaqeyneysana waxaan u aqoonsanaynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Arinta Jubbaland waa arrin qadiyadda badda ah in la fahmo ayaa la rabaa, Kenya waxay dooneysaa saameyn in ay ku yeelato Jubbaland, markii ay hesho meel ay naga gacma maroojiso in aan dhahney rabtaa waayehee arrinta badda aan ka wadahadalno, taasna awoodeeda malihi baddaasna go’aan kama gaari karo oo waxaa wax ku leh ilma Soomaaliyeed oo aan weli dhalan.”

“Waxaa naloo dhaariyey difaaca dalka ma ogolaan doono faro-gelin shisheeye anaguna ma fara geli doono arrimaha gudaha ee Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamada kaleba, mana aqbaleyno in dowlad goboleedyadeena qaarkood oo aan ognahay in dibadda laga soo dhistay oo IGAD loo soo xil saartay dhismahooda in ay caqabad nagu noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko seddaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo waxa u qabsoomay dowladiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsanyahay wax qabadka dowladiisa siyaasadda dalkana ay xasiliyeen, sida uu sheegay, balse waxa uu qiray in weli dhib ka heysto ka rumaynta riyadii shacabka.

Farmaajo oo wax laga weydiiyey waxa adkeeyey xiriirka dowladiisa iyo maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in mudo laba jeer ah uu Puntland tegay intii uu talada hayey Madaxweyne Deni, dhawr jeerna uu ka dalbaday in uu Xamar ugu yimaado oo safarada dibadda ah uu yareeyo, balse uu ka dhega adeygay safaradiisiina uu iska wato.

“Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Muranka ka tagan bixinta shahaadada arday reer Puntland waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, maantana aysan ku habooneyn in muran la geliyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed, balse halka loo socdo ay tahay tayeynta waxbarashada dalka.

 Halkan ka Daawo wareysiga oo dhameystiran