Dowlada oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Amnesty

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga fal celisay warbixin ay shalay soo saartay hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, taas oo ka hadleysay xadgudubyada ay la kulantay saxaafadda Soomaaliya seddaxdii sano oo ay jirtay dowladan.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah.

“Waxaa nasoo gaaray qoraal kasoo baxay hey’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka, dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jawaabta dowladda ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid been abuur ah, oo magan geliyo looga raadsanayo dalalka reer Yurub, sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in aysan jirin cadeymo loo hayo eedeynta loo jeediyey dowladda federaalka, ee ku aadan xad-gudubyada suxufiyiinta. Iyadoo ku tilmaantay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.