IMF iyo World Bank oo ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto deyn-cafin

Washington (Caasimada Online) – Guddiga fuinta ee Banka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalanto in deynta laga cafiyo.

Guddiga ayaa ammaanay dadaallada joogtada ah ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku sameynayaan is-beddelo maamul iyo kuwa dhaqaale, xilli ay wajahayaan caqabado dhowr ah.

“Guddiga waxay isku raaceen in ayada oo la eegayo qiimeyn horudhac ah, ay Soomaaliya u qalanto caawimaad loo marayo barnaamijka HIPC ee dalalka ay dul-saaran tahay deyn ka tan badan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Banka Adduunka iyo IMF.

Qiimeyntan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo gaareysa 5.3 bilyan dollar.

“In Soomaaliya laga cafiyo deynta waxay ka caawin kartaa inay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay sare ugu qaado kobaceeda, islamarkaana u yareyso saboolnimada, taasi oo ahmiyad u leh IMF,” waxaa sidaas tiri agaasimaha IMF Kristalina Georgieva.

“Waxaan Soomaaliya ku amaanayaa inay sameysay is-beddelo muhiim ah oo dhiir-gelinaya yareynta saboolnimada, waxaana saaxiibada caalamka uga mahad-celinaya inay naga caawiyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo marxaladdan muhiimka ah,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Banka Adduunka David Malpass.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay marxaladda kusoo gaartay waqtigii ugu deg degta badnaa.

Soomaaliya ayaa hadda waxaa u harsano in barnaamijka SPM Staff-Monitored Program ee lagula socdo nidaamkeeda maaliyadeed lagu dhowaaqo in lagu qancay, taasi oo dhici karta ka hor dhammaadka bisha March.

Haddii sidaas ay dhacdo, Soomaaliya waxay gaaraysaa marxaladda loo yaqaan Decision Point, markaasi oo ay u billaaban doonto deynta cafinta.