JUBALAND oo shaacisay jadwalka doorashada BF

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabke ee deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga ayaa soo saaray liiska illaa 6 kursi, kuwaas oo ka mid ah 14-kii kursi ee ay Jubbaland shaaciyay 13/12/2021.

Sidoo kale guddiga ayaa qoraalkooda ku xusay in isla maanta ay shaacin doonaan xubnaha guddiga xulista ergada doorashada lixda kursi ee ay soo saareen liiskooda.

Doorashada kuraastaan ayaa sidoo kale la qabanayaa 23-ka bishan, sida ku cadda jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhexeeyay Golaha Wadatashiga.

Dhanka kale Jubbaland ayaa illaa iyo hadda ku dhawaaqin doorashada kuraasta taalla dhanka Garbahaarey, taas oo isha lagu hayo, maadaama loolan xoogan loo geli doono kuraastaasi oo ay tartan u geli doonto Villa Somalia oo siyaasad ahaan ku xoogan Gedo.

Si kastaba, doorashada Soomaaliya ayaa haatan ku socota dardar xoogan, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo ka hor 25 Febraayo ee sanadkan 2022-ka.