Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo haatan booqasho ku joogo waddanka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Mudane Abiy Axmed oo isagu u fidiyey casuumaadda uu ku tegay Addis Ababa.

Biixi iyo Abiy oo wada-hadallo gaar ah yeeshay ayaa xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in labada mas’uul ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah, sida isticmaala Berber Port iyo Berbera Corridor.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya iyo Somaliland ay baallaarin doono iskaashiga dhinaca ganacsiga ee ka dhexeeya labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale inta uu joogo Addis Ababa kulamo doceedyo la yeelan doono madax kala duwan oo ay qayb ka yihiin safiirada deggan magaaladaasi.

Socdaalka madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya ayaa ah kiisii labaad oo uu ku tego dalkaas oo xiriir la leh Somaliland, waxaana loo soo dhoweeyey si ballaaran.

Waxaa sidoo kale hadal hayn xoogan ay ka dhalatay hab maamuus loo soo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay barbar ku sameynayeen soo dhoweeyntii hore loogu sameeyey Farmaajo iyo tan Biixi oo aan waxba ku kala duwaneyn, marka la eego qaabka loo soo dhoweeyey labaduba.

Si kastaba, Farmaajo iyo Abiy ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibo isu dhow, waana midda sii xoojisay hadal heynta ka dhalatay safarka Muuse Biixi ee Addis Ababa.