Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dabeylo laga cabsi qabto inay ku dhuftaan xeebaha maamulkaasi, iyada oo shacabka la wadaagtay farriin toos ah iyo tallaabooyin ay tahay in la raaco.
Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Jubaland ayaa sheegtay in dabeylahaasi ay noqon karaan kuwo sababa khasaare hantiyeed iyo mid nafeed haddii aan laga taxadarin.
Sidoo kale wasaaradda ayaa tilmaamtay in dabeylaha ay la socdaan roobab xooggan iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe iyo dhammaan deegaanada ku xeeran xeebaha maamulkaasi.
Jubaland ayaa ugu baaqday kalluumeysatada iyo dadka ku safra badda inay muujiyaan feejignan dheeri ah, si aysan waxyeelo uga soo gaarin dabelyaha socda.
Waxa kale oo farriintan la gaarsiiyay dadka ku nool deegaannada dhaca xeebaha, iyada oo maamullada deegaannadaas la faray inay diyaariyaan gurmadyo deg-deg ah.
Digniintan mid lamid ah ayaa waxa shalay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya oo kalluumeysatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee degan dhulka xeebaha ah u digtay, taasi oo ku saabsan bad-xireenka la galay.
“Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, waxay si rasmi ah ugu wargalineysaa dhammaan kalluumeysatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed in lagu jiro xilli badda ay si weyn u kacsan tahay, taasoo keeni karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.
Waxaa kale oo lasii raaciyay ““Inta lagu jiro xilligan kacsanaanta badda, waxaa dhici karta khatar badan, shilalka badda iyo waxyeelada soo gaarta doomaha iyo kalluumeysatada”.
Digniintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ay qaaday ugu yaraan sagaal carruur ah, kuwaas oo u damaashaad tegay, carruurtaas ayey baddu qaaday xilli ay caadi u dabaalanayeen.


