25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Kulankii Xamar oo muujiyey taag yarida mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Masaajid yar oo ku yaalla Koonfurta Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan si hoose loo agaasimay oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore, laba ra’iisul wasaare oo hore, afhayeen hore oo baarlamaanka federaalka ah, iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda — dhammaantood waa shaqsiyaad leh khibrad siyaasadeed oo qoto dheer balse aan hadda haysan taageero rasmi ah oo hay’adeed. Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan weli taageerin kooxdan mucaaradka ah, iyada oo hal sano uu ka haray dhammaadka xiliga madaxweyne Xasan.

Kooxdan mucaaradka ah ma haystaan saldhig siyaasadeed oo xooggan oo caadi ahaan lala xiriiriyo hoggaaminta maamul-goboleed. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si taxaddar leh ula socda dhaqdhaqaaqa, isagoo aan weli si buuxda u muujin mowqifkiisa.

Inkastoo uu taageersan yahay dadaallada lagu abaabulayo mucaarad siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Maxamuud, haddana Deni ma muujinayo inuu diyaar u yahay inuu geliyo saameyn siyaasadeed ama dhaqaale ballaaran, sida uu hore ugu sameeyay Muqdisho doorashadii 2022.

Deni ayaa sanadkii 2022 loo arkayay musharrax fursad wanaagsan u leh xilka madaxtinimada, sababo la xiriira doorkiisii hoggaamineed ee uu ku riixay hab-doorasho cusub oo siinayay maamul-goboleedyada awood ballaaran oo ay ku soo xulaan xubnaha labada aqal ee baarlamaanka. Laakiin rajadiisii ayaa si lama filaan ah u burburtay maalintii doorashada, markii Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu heshiis degdeg ah la galay Xasan Sheekh Maxamuud — oo markaas si hoose loogu qiimeynayay ra’yiga dadweynaha ee barta X (hore Twitter).

Jubbaland ayaa markaas si cad u taageertay Xamza Cabdi Barre, oo ahaa xildhibaan federaal ka soo jeeda Jubbaland, kaas oo markii dambe Madaxweyne Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaare. Isbeddelkaasi lama filaanka ah ee siyaasadeed ayaa horseeday in Puntland ay jarto xiriirkii kala dhexeeyay Dowladda Federaalka. Hadal uu Deni ku tilmaamay Xamza “xoghayn kaliya” ayaa sii xumeeyay xiriirka labada dhinac.

Toddobaadkii hore, Madaxweyne Deni ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono “shir lagu badbaadinayo Soomaaliya”, isagoo sheegay in Jubbaland lagu casuumi doono. Soo jeedintan cusub ayaa muujinaysa isbeddel ku yimid aragtidiisa, maadaama uu hadda u muuqdo inuu ka quustay heshiisyadii siyaasadeed ee aan rasmi ahayn (gentleman’s agreements) kuwaas oo uu u arko kuwo fashilmay.

Inkasta oo kooxda mucaaradka ahi ay mideysan yihiin rabitaankooda ah inay meesha ka saaraan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana waxay weli ka arradan yihiin barnaamij siyaasadeed oo cad ama hannaan hoggaamineed oo mideysan. Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa weli ka go’an in la qabto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2026. Doorashooyinka dowladaha hoose ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan Muqdisho ayaa noqon doona tijaabo muhiim ah oo lagu ogaanayo suurtagalnimada hirgelinta nidaamkaas codbixinta guud.

- Advertisement -

Read more

Local News