Jubbaland oo fashilisay qarax la qorsheeyey in lagu dilo…

Kismaayo (Caasimada Online) –Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo mas’uul ka tirsan maamulkaasi.

Qaraxa lagu dili rabay mas’uulkaasi oo aysan sheegin magaciisa ayaa waxaa loogu rakibay albaabka guriga uu degan yahay ee magaalada Kismaayo, waxaana si deg deg ah ugu hortegay oo fashiliyay ciidamada Nabadsugida NISA ee Jubbaland.

Qaraxaan ayaa waxaa maleegay kooxda Al-Shabaab oo dooneysay inay ku dhibaateyso mas’uulkaasi iyo qoyskiisa, balse ka badbaaday.

“Alle Mahadii waxay ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro NISA Jubbaland soo dhigtay boggooda.

Hay’adda NISA Jubbaland ayaa sheegtay intii ay ciidanka ku guda jireen kala fur furka miinadaasi inaysan wax khasaare ah ka dhalan, waxayna u mahad celiyeen shacabka Kismaayo oo hay’adda si dhow ula shaqeeyay.