JUBBALAND oo fashilisay qarax lagu aasay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay ka hortegay weerar qarax ah, kadib howl-gal ay ka sameeyeen gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ay fuliyey ciidamada nabad sugida ee maamulkaasi ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey xaafadda Farjanno ee magaaladaasi oo xarun KMG u ah Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in dadka shacabka ay ku soo wargeliyeen miinadaasi, kadibna ay ku guuleysteen in laga hortago qaraxaasi.

Sidoo kale taliska NISA ee Jubbaland ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah uga mahadceliye, sida ay ula shaqeynayaan ciidamada ammaanka.

“Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubbaland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka  Kismaayo sida kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay laba jibaari doonto howl-gallada ka socda magaalada Kismaayo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay wadeen ciidanka amniga.

Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa dalka.