Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Suudaan iyo Af-gembi ka socda dalkaasi

Khartoum (Caasimada Online) – Xaaladda wadanka Suudaan ayaa maanta aad u kacsan, waxaana saaka shacabka ay ku soo waabariisteen Afgembi ka socda gudaha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga ay xabsi guri geliyeen madaxda xukuumadda rayidka oo uu ugu horreeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Mudane Cabdalla Hamdok.

Milatariga ayaa sidoo kale xir xiray afar mid ah golaha wasiirada ee xukuumadda Suudeaan iyo xubno rayid ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan.

Ciidamada Afgembiga wada ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay la wareegeen xarunta Telefishinka, tan Idaacadda iyo qaar ka mid ah xarumaha kale ee dowladda.

Dhinaca kale waxaa hawada laga saaray khadkii Internetka ee magaalada caasimada ah ee Khartoum, sida ay tabinayaan qaar ka mid ah warbaahinada caalamka.

Dadweynaha kala qeybsan ee Suudaan ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee dalkaasi, kuwaas oo dhigaya banaan-bax ay uga soo horjeedaan Afgembiga socda.

Ujeedka ka dambeeya Afgembiga haatan ka socda dalka Suudaan ayaa lagu sheegay in milatariga ay ku doonayaan inay meesha uga saaraan xukuumadda Cabdalla Hamdok oo ah xukuumad rayid ah, kuna dhisan awood qeybsiga xisbiyada ka jira gudaha wadankaasi.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga iyo dhanka dowladda eoo ku aadan xaaladda cakiran ee maanta ka taagan dalka Suudaan.