Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka billowday PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah deegaanada maamulka Puntland ayaa maanta u dareeray doorashooyin taariikhi ah oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golayaasha deegaanka ee sadex demo.

Doorashadan oo ah mid tijaabo, isla-markaana isha lagu wado hayo ayaa ka bilaabatay degmooyinka kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Waxaa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codoeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey.

Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas.

Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo  27 kursi.

Sidoo kale waxaa kuraastaasi oo tiradooda guud ay tahay 87 isku soo sharraxay illaa 449 musharax oo maalmihii u dambeeyey olole xoogan ka waday Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Dhinaca kale guddiga KMG ah ee doorashada qof & codka ah ayaa shacabka ka dalbaday in ay raacaan habraaca loogu talagalay in ay u dhacdo codeynta tijaabada ah.

Si kastaba, Puntland oo la aasaasay kowdii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhammaan hoostaga maamulkaasi.