Jubaland oo ka hortegtay QARAX lagu diyaariyay….

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugidda ee maamulkaasi ayaa ka hortegay weerar qarax ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada NISA ee Jubbaland oo howlgal ka sameeyay Kismaayo ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qarax miino oo lagu aasay mid kamid ah waddooyinka magaaladaasi.

Qoraal kooban oo taliska kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan laga dhibaateyn rabay shacabka, balse ka hortageen ciidamada ammaanka.

Hay’adda Nabad-Sguddiga Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka deegaanka oo ay sheegtay inay lasoo wadaageen xogta qaraxaasi, taas oo keentay in la fashiliyo

“Waxaan u mahadcelineynaa bulshada magaalada Kismaayo ee sida joogtada ah usoo wargelinaya ulana shaqeynaya laamaha amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaas, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Kismaayo ayaa waxa inta badan weerar xoogan ka fulisa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jir weeraro toos ah, qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Kooxda ayaa sidoo kale howlgallo ka fulisa deegaanada u dhow magaalada Kismaayo, ayada oo inta badan beegsaday xarumaha ciidamada huwanta ee ku yaalla halkaasi.

Si kastaba, Jubbooyinka oo ah halka ugu xoogan badan yihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa la filayaa in dhowaan uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.