Jubaland oo toogasho ku fulisay laba qof + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa maanta markale fagaare ku yaalla magaalo xeebeedka Kismaayo ku toogtay  laba askari oo ka tirsanaa ciidamada mamaulkaas, kuwaas oo horey dilal uga geystay Jubbaland,.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa raggan oo labo ah ku heshay dilal ay horey si ula kac ah u geysteen, iyada oo maanta lagu qisaasay bartamaha Kismaayo.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabi Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u geysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Sidoo kale goobta lagu toogtay raggaan oo uu mid kamida ahaa nin da’ ah m halka kan kale uu ahaa wiil dhalinyaro ah ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkamadda iyo dadweyne. 

Gaashaanle Dhexe, Bashiir Maxamuud Xareed oo ah guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xukunkan dilka ah ee ay maanta fuliyeen iyo heerarkii usoo maray, maadaama uu muddo soo jiitamayey kiiskan.

Xareed ayaa sidoo kale u digay ciidamada kale ee shaqeynaya, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyeeleynta shacabka dambiyada dilka ah.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo todobaadyadii ugu dambeeyey dardar-gelisay xukunnada dilka ah ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida, Somalia.