Madaxweyne Xasan oo u baxay furimaha dagaalka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay furimaha hore ee uu ka socdo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo kormeer kiisa ku bilaabi doono Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbi doono aagga dagaalka Baxdo iyo Qaayib, halkaas oo uu ka socdo dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doono xaaladda deegaanada la xoreeyey, isaga oo sidoo kale warbixino ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhageysan doono saraakiisha.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu tegi doono dhammaan furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaya in la dardar-geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dhiira-gelin ugu tegayaa ciidamada xoogga dalka ee furimaha gobollada dhexe jooga iyo xogagga deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gebi ahaan istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya, marka laga reebo dhowr tuullo oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan, kadib markii ay isaga carartay kooxdu.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa hadda u jeestay dhanka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna qorsheeyey inuu safar ku tago furimaha dagaalka ee Galmudug iyo HirShabeelle.