Faarax C/qaadir oo shaaciyey sababta Al-Shabaab weerar ugu yihiin W/Waxbarashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka sheekeeyay marxaladihii heerka waxbarasho ee dalku soo maray, kadib burburkii Dowladdii Militariga iyo markii ugu horreysay oo maleeshiyada Al-Shabaab u soo hanjabaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay, kadib burburkii Dowladdii Dhexe in caqabado badan ay la soo derseen tacliinta dalka, dad uu isagu ka mid yahayna ay dhexda u xirteen, sidii waxbarashada dalka u sii socon laheyd, xilli dad badani ay rumeysan kari waayeen in dowlad la’aani ay iskuulaad gaar ahi dabooli karaan baahida waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

“Markii ay dowladdii burburtay, dee tacliintiina way la burburtay, muddo ayay qaadatay in tacliintii dib loo soo celiyo, aniguna nasiib wanaag waxaan ka mid ahay dadka fursadda u helay in dadka Soomaaliyeed ay u adeegaan, laga bilaabo sanadkii 1992-kii oo waxbarashada ay ka shaqeeyaan. Xilligaas waxbarashada bilaawgeeda dadku way rumeysan la’aayeen, waxbarasho aan dowlad lahayn baa la qaban karaa, waxaana is garab socday gargaarka raashiinka dadka la siiyo iyo iskuulada oo loo furo,” ayuu yiri Faarax Cabdulqaadir.

“Muddo kadib iskuuladaas waxaa ay sameysteen dallado waxbarasho, dalladahaas waxbarashadu waxay isku dayeen inay wax ka qabtaan arrimaha aanay iskuuladu waxba ka qaban karin, arrimihii ay wasaaraddu qaban jirtay ee waxbarashada ama ay dowladdu qaban jirtay, laakiin maadaama dowladdii ay maqneyd shahaadooyinka ayay bixin jireen, imtixaanaadkee qaadi jireen, tacliinta ayayna u ololeyn jireen, waxaa ay samayn jireen in adduunyada kale shahaadadaas aqoonsi iyo deeq waxbarasho looga helo, tacliintuna ay horey u sii socoto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii 2014 ay ahayd markii ugu horreysay oo la isku dayo in la mideeyo imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiga Sare, inkastoo uu ku tilmaamay arrin aad xilligaasi u adkeyd.

“Waxaa la isku dayay 2014-kii oo runtii dee arrin adag ahayd in bal horta imtixaanka Dugsiga Sare ee ardayda laga qaado la mideeyo, isku waqti la qaado, imtixaan mid ahna la qaado,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaasi ay Shabaabku wasaaradda soo gaarsiiyeen hanjabaadoodii ugu horreysay, si dugsiyada waxbarashada iyo ardaydaba uga joojiyaan imtixaanaadka shahaadiga ee xilligaasi la bilaabay in la mideeyo, ha yeeshee aan wax dheg jalaq ah loo siinin.

“Shabaabka nimankan isku sheegaya ee annaga Khawaarijta aanu u naqaano ee argagixisada ah, sanadkaa 2014-kii digniin ayay soo direen, oo ay ku amrayaan iskuulada iyo ardayda inaanay geli karin imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada ay qaadeyso. Runtii dadkeena geesiyaasha ah dheg uma dhigin, waa la galay, sidaas bayna ku socotay. Hadda sanadkan ugu dambeeyay Wasiirkii iga horreyay ayaa imtixaanka xilligiisii la qaaday, aniga xilligii natiijada la soo dhejinayay ayaan xilka la wareegay. 35 kun oo arday oo Soomaali ah ayaa Dugsiga Sare imtixaankiisa gashay, oo badankood ku guuleystay, waana kuwaas kuwa hadda shahaadada la siinayay,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

29-kii bishii hore ee October maleeshiyada Al-Shabaab ayaa gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo ku taala Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ka socotay shahaado bixinta ardaydii ku guuleysatay imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare.

Qaraxyadaasi oo laba ahaa ayaa galaaftay nolosha in ka badan 120 qof oo u badan dad shacab ah, oo aan waxba galabsan. Shabaabka oo masuuliyadda qaraxyadaasi sheegtay ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay “Waxa loogu yeero Wasaarada Tacliinta ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh askareynta ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo kumanaan ka mid ah ay ku biirinayaan ciidamada, halka qaar kalena ay qaab calooshood u shaqaystanima ah ugu askareyso wadamo ajanabi ah.”

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in dalku uu maanta leeyahay manhaj waxbarasho oo mideysan, kaasoo buugaagtiisu ay daabacan yihiin.

“Waxaa lagu guuleystay, hadba sidii tallaabo loo soo qaadayay mideynta manaahijta, sanadkii 2020-kiiyaa ugu dambayn la soo dhameystiray manhajka Dugsiga Sare, sanadkii 2018-kiina la soo dhameystiray manhajka Dugsiga Hoose/dhexe. Maanta Somaliya waxaa ay leedahay manhaj waxbarasho oo dhammaan heerarka kala duwan ee tacliinta aasaasiga ah, maadooyinka oo dhan ah, buugaagteedana ay daabacan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Faarax.

Wasiir Faarax ayaa meesha ka saaray sabab ay maanta Shabaabku uga horimaan karaan in manhajkan laga dhigo dugsiyada dalka, isla-markaana uu yahay mid cid kasta ay daalacan karto.

“Manhajku waa manhaj bannaanka yaalo oo iskuulada lagu dhigto oo macalimiinta ay wax ku baraan, oo manhaj qarsoon oo hadda meel ku qarsoon haba yaraatee ma ahan. Manhajku waa af Soomaali, marka laga taggo maadooyinka ku baxa luqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo tarbiyada Islaamka,” ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay wareysi uu siiyay Barnaamijka Galka Baarista ee VOA.