QARAXYO ka dhici lahaa Muqdisho oo la fashiliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystaan inay fashiliyaan qaraxyo lagu xiray gaari nooca raaxada ah, kaas oo uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray afhayeen Sadiiq Dooishe ayaa waxaa uu xaqiijiyey in laba miino ay ka fureen gaari Surf ah oo uu lahaa qof shacab ah, balse ma shaacin magaciisa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax waxyeelo aysan ka dhalan qaraxaan, islamarkaana uu nabad qabo ninka iska lahaa gaariga qaraxa lagu xirau.

“Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu sii raaciyey.

Afhayeenka ma carab baabin goobta la dhigay gaariga ay qaraxa ka fureen, marka laga reebo inay tahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka socdo Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.