Waare oo shaaciyey ‘hagartii’ FARMAAJO iyo 3-dhinac oo caqabad ku ah Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii uu aas-aasay koox macawiisley ah oo Al-Shabaab kula dirirtay deegaanada HirShabeelle, isla markaana uu xiligaas kooxda ka xoreeyey deegaano badan.

Hase yeeshee Waare wuxuu sheegay in dowladdii xiligaas jirtay ee Farmaajo uu hoggaaminayey aysan rebin in lala dagaalamo Al-Shabaab, taas oo Al-Shabaab u fududeysay inay ka adkaadaan Macawiisleydii ka dagaalameysay HirShabeelle.

“Dowlad ay ka go’antahay in Shabaab la iska xoreeyo ayaan weynay, balse hadda xaaladu sidii hore waa ka duwan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inay si buuxda uga go’antahay inay ka adkaato Al-Shabaab, laakiin weli ay jirto farsamo xumo weyn oo sababeysa in dagaalka aan guulo laga gaarin.

Waare oo wareysigaan siiyey Universal TV, wuxuu tilmaamay in dowladda Xasan Sheekh ay 3-jiho ka soo wajahayaan caqabado ku hor gudban dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:

1 – Waxaa jira siyaasiyiin dantooda siyaasiga ah ee mustaqbalka ka dhex arka Xasan Sheekh oo dagaalka Al-Shabaab ku fashilma.

“Waxay siyaasiyiintaas taageerayaashooda ka dhaadhiciyeen Xasan Sheekh oo dagaalkaan ku fashilma ayuu xalkeenu ku jiraa ee hadal, lacag iyo abaabul aan ku bixino, sidii loo fashilin lahaa dagaalkaan,” ayuu yiri Waare.

2 – Qolada kale waa ganacsato iyo odayaal weli ka cabsanaaya Al-Shabaab, “Markii ay fiiriyeen xaaladda, shaki ayaa ka galay in la guuleysa doono, waxayna weli ilaalinayaa hantidooda, oo dagaalkii ma gaarin meel ay dhiisradaan,” ayuu yiri.

3 – Dad badan ayaa dhahaya Xasan Sheekh markii la doortay nama tix gelin oo tabasho ayaan qabnaa, “xilal ama taladii aan ku lahaayeen dagaalka nalama weydiin dad dhahaya ayaa jira.”

“Dadkaas waxaan leeyahay xiliyada colaada iyo gaajadu jiraan Soomaalidu dhaqan uma laha is eedeynta noocaas ah, waxaa jira waqti aysan eedeyntu dadka qaban, marka gartiina waqtigeeda hala gaaro ee haddii Xasan qaldan yahay dadkiina iyo dalkiina u damqada,” ayuu yiri Waare.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Xasan Sheekh looga baahan yahay qof kasta oo tabasho ka qaba maamulkiisa inuu raadiyo oo la fariisto, si qorshihiisu u guuleysto, caqabaduhuna ay uga yaraadaan.

“3-aad qodob ayaan u arkaa caqabadaha kalifaya in dagaalka Al-Shabaab uu horay u dhaqaaqi waayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle.

Hoos ka daawo