Daawo: Waare oo sheegay in aysan xal aheyn in la laayo dhallinyarada Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xalku uusan jirin in la laayo dhalinyarada ay qaldeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, balse Soomaalida laga rabo inay xal u hesho sidii loo badbaadi lahaa tirade ugu badan ee dhalinyaradaas.

Madaxweyne Waare oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ku dhamaa doonin in la laayo dhalinyarada ka tirsan kooxdaas.

Wuxuu saadaaliyey inay suurta geli doonto, in la soo badbaadiyo inta badan dhalinyaradaas oo dhaqan celin loo samey doono, halka hoggaamiyeyaashii qalday la dhaleyn doono, sida uu sheegay.

Si gaar ah Waare wuxuu carabka ku dhuftay Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabaab, isagoo ugu goodiyey in Cali Dheere uusan ku baxsa doonin dunuubtii uu ka galay dadka Soomaaliyeed.

“Qof kasta oo caqli leh wuxuu fahmayaa dhalinyarada la qalday in la wada laayo in aysan ku dhamaa doonin oo xal aysan aheyn, waxay ku dhamaa doontaa in lasoo dhaqan celiyo oo bulshada lagu soo daro,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle wuxuu wareysigaan ku sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxda aan lagala tasha doonin sidii loo badbaadi lahaa dhalinyarada Al-Shabaab u dagaalameysa, balse xalku uu imaa doono markii la laayo amiirrada.

“Hadii hadalka Cali Dheere jileec laga dareemay jabka gaaray ayuu ka turjumayaa, laakiin Cali naxariis uma heyno, wixii nakala gaara ayuu leeyahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweyne Waare ayaa ugu dambeyntii wareysiga qeybtaan ku sheegay, in dowladda looga baahan yahay inay ka fikirto sidii dhalinyarada Al-Shabaab inta ugu badan loo badbaadin lahaa, iyadoo aan wax isxaan ah aan loo sameyn horjoogayaasha.

Hoos ka daawo