Xog: Jubaland oo ugu danbeyntii ka lugo furatay PUNTLAND qaadatayna go’aan cusub (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay qaadatay go’aan lidi ku ah Maamulka Puntland kaasi oo la xiriira arrinta shirkii wadatashiga aayaha Somalia ee kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Madaxtooyada maamulka Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac oo wareysi gaar ah siinaayay Tv-ga Somali Cable, ayaa sheegay in Jubbaland ay raali ku tahay qodobadii kasoo baxay shirka wadatashiga aayaha Somalia.

Wasiirku waxa uu sheegay in xiligii ay ka baxayeen shirka ay sabab u aheyd qodobo gaar ah oo ay la imaaday DF kaasi oo ay ka didsanaayen balse markii danbe laga qanciyay sidaana ay ku qaaten qodobada laga soo saaray shirka.

Waxa uu sheegay in arrinta Jubbaland iyo Puntland ay kala madaxbanaan yihiin micnuhu haddii ay Puntland booday aysan ka turjumeynin in Jubbaland ay iyana booday.

Wasiir Cabdiqani Cabdi Jaamac oo hadda ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland ay xoojin doonto qodobadaasi DF Somalia iyana looga baahan yahay in dhankeeda ay ka adkeyso, si meesha looga saaro is fahan’waa mar kale ka dhex dhasha.

Go’aankaasi ay qaadatay Jubbaland ayaa ka duwan kan Puntland, waxaana la ogeyn waxyaabaha iska badalay is xulufeysigii Axmed Madoobe iyo Cabdi Welli Gaas.

Haddalka Wasiir Cabdiqani Cabdi Jaamac, ayaa imaanaya xili wali Puntland ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda, inkastoo Jubbaland ay garwaaqsatay in C/weli Gaas uu doonaayo inuu ku adeegto amaba uu jaranjaro ka dhigto taasi oo Mamaulka Jubba ku qasabtay inay adeecdo DF Somalia, bacdamaa loo meel mariyay dacwadii ay qabtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com