Dagaal ka dhex qarxay Khaatumo iyo PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Qorileey ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeyay maleeshiyaad u kala abtirsada Puntland iyo Khaatumo.

Xildhibaan Yaasiin Axmed Cali, oo kamid ah baarlamaanka maamulka Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay soo abaabuleen maamulka Puntland, isaga eeda saaray wasiirka arimaha gudaha maamulka Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada 11 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah iyo dhaawaca dad intaasi kasii badan.

Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil waxaana marar badan uu ka dhacay deegaanada Sool, waxaase hadda soo baxaya in dagaalada la siyaasadeeyay.

Hoos ka dhageyso wareysiga