Xog iyo Gorfeyn: Maxaa wafdigii madaxweynaha Puntland ka qabsaday shirkii wadatashiga Xamar

Tan iyo markii ay wafdiga maamulka Puntland ee uu hogaaminayay C/weli Gaas soo duuleen magaalada Gaalkacyo waxaa jiray hadallo kala duwan oo laga bixinayay sida ay ku dhacday inay aqbalaan imaanshaha Muqdisho iyo ka qeybgalka shirarka hiigsiga cusub iyadoo la ogaa go’aanadii ka soo baxay maamulkaasi ee Baarlamaan iyo xukuumad.

Waxaa shaki badan dhaliyay dadku fahmi waayeen in Madaxweyne C/weli Gaas qaadaco shirkii weynaa ee Muqdisho ka dhacay aakhirkii bishii Jjuly, kadibna diido in shir arrimaha hiigsiga cusub ka dhacdo Kismaayo sidii ay damceen madaxda dowladda Federaalka markii laga wada qeyb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe, kadibna Muqdisho u yimaado shirka la mida shirarkii uu ku qaadacay Muqdisho iyo Kismaayo…..????

Waxaa fasiraadda kaliya ee C/weli iyo kaaliyeyaashii hayeen ama saxaafada u sheegeen ay ahayd inaanu waxba iska bedelin mowqifkii Puntland ee ay mowqifkeeda caddeyn doonto, isla markaana Soomaalida kale la qeybsan doonto… waxaa ka dambeeyay:

1 – Wafdiga Puntland Wafdiga Puntland shirkii wadatashiga ayay ka qeyb galeen.

2 – C/weli Gaas iyo wafdigiisa waxay ka baxeen shirkii wadatashiga

3 – Wafdiga Puntland waxayay soo bandhigeen cabasho ku sasbsan Dastuurka KMG oo la jebiyay.

4 – Wafdiga Puntland waxay ka qeyb qaateen xiritaankii shirka wadatashiga iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay.

Waxaa is qaban waayay sida wax u dhacayaan iyo qaabka ay madaxda Puntland ee Xamar joogta u dhaqmayaan…. markii shirkii wadatashiga ujeedkii laga lahaa soo idlaaday laguna heshiiyay waxaa haddana wax lala yaabo noqotay in wafdigii Puntland Muqdisho ku haro, kana soo baxaan arrimaha soo socda:-

1 – Inay kulamo la leeyihiin beesha caalamka loogu sharxayo mowqifka Puntland

2 – Inay soo saaraan qoraal dhowr bog ah oo ka hadlaya aragtida Puntland ee xaaladda dalka

3 – In qofka kaliya ee hadlaya uu yahay afhayeenka madaxtooyada Puntland

Ilaa iyo iminka waxaa la kala saari la’ yahay go’aanka dhabta ah ee Puntland, maxaa yeelay si cad uma qaadicin wixii ka soo baxay shirkii wadatashiga mar haddii ay qeyb ka ahaayeen, mana caddeyn karaan inay qeyb ka ahaayeen xaaladda ka heysta degaanadoodii darteed, sidaas dartood wuxuu xaalkoodii noqday Ciyi waa ka baryey.

Waxay xaqiiqadu tahay in Puntland ay go’doon siyaasadeed gashay, isla markaana ku fashilantay go’doomintii Galmudug, siyaasadaasi oo laga iibin waayay Beesha caalamka iyo maamulada kale, xitaa Axmed Madoobe ayaa danihiisa ka raacday, waxaana qoraalada iyo cabashooyinka aan dhammaan ee Puntland uu ka door biday inuu naftiisa u doodo sidii kumeelgaarnimada looga bedeli lahaa.

Waxaa cad in qorshihii ku dhisanaa la-baratanka dowladda Federaalka uu hadda gabaabsi yahay mar haddii Puntland ku qeyb tahay maamulada kale ee Galmudug ka mid tahay, waxaana runtu ku soo biyo shubatay in qoraal fara badan la kala diro. Shirkii wadatashiga ee Muqdisho waxaa wafdigii C/weli Gaas qanciyay oo shirka ku soo celiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid sida uu VOA-da u sheegay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, laakiin lama oga waxa lagu qanciyay oo aanay dooneynin wafdiga Puntland inay dadkooda la wadaagaan iyo in heshiiskaasi shirkan uun ku ekaa oo ay halkoodii ka miisi doonaan iyo in kale.

Faallada goobjooge