SHAACIN: Magacyada 6-da Jeneraal ee Ethiopia u qaabilsan Soomaaliya, ayna ka go’do taladeeda

Muqdisho (Caasimada Online) –  Caasimada Online ayaa heshay magacyada Jeneraalada Dowlada Ethiopia u qaabilsan carqaladeynta Siyaasada Somalia ee Maskaxda ka qabsaday Madaxweyne Xasan iyo garabkiisa Siyaasadeed.

Jeneraalada Dowladaasi dariska la ah Somalia ay usoo wakiilatay qaska iyo carqaladeynta Somalia ayaa ka kooban 6-xubnood oo ku kala sugan Caasimada ilaa iyo Gobolada ay Somalia kaga sugan yihiin Ciidamada Ethiopia.

Jeneraaladaani ayaa waxa ay Xafiiska ugu weyn ku leeyihiin Xarunta Madaxtooyada Somalia halkaasi oo bishiiba ay ku kulmaan 6 jeer iyo kabadan, sida ay xogtu ku heshay Caasimada Online.

Liiska Generaaladaani Maskaxda ka qabsaday Xassan Sheekh iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ayaa waxa ay kala yihiin:

1) – Brigadier General Berhu Tafsayu – Wakiilka Ethiopia ee maamulka Somaliland, Hargeysa.

2) – General Abraham Alemu – Wakiilka Ethiopia ee Puntland, Garoowe .

3) – General Gebresalasia Mokne – Wakiilka Ethiopia ee GobaLlada dhexe iyo Hiiraan.

4) – General Gabremedin Fikedu – Wakiilka Ethiopia ee Koonfur Galbeed, Baydhabo .

5) – General Taferi (madaxii hore ee sirdoonka ee killINka amxaarada), wakiilka Ethiopia ee Jubbaland, Kismaayo.

6 – Generaal Gebra oo ah agaasimaha siyaasada Ethiopia ee Gayiga Somalia oo degan Villa Somalia iyo Xalane.

Dowlada Ethiopia ayaa rabitaankeeda usoo gudbiso Jeneraaladaani oo iyaguna Madaxweyne Xasan ku cadaadiyo inuu fuliyo amarkaasi, haddii uu cagajiid ka muujiyana ay qalqal galinayaan Siyaasadiisa.

Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa ku caanbaxday is hortaaga Horumarka Somalia inkastoo Somalia xili hore laga saaray haddana waxaa dib usoo nooleeyay Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com