Juventus oo laga yaabo inay Janaayo lasoo wareegto Robert Lewandowski.

Robert Lewandowski ayaa u jeesanaya inuu ku biiro kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Juventus, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa kooxdiisa fure ugu ahaa Bundesliga tan iyo markii uu 2010kii kaga soo biiray Lech Poznan. Bandhigiisaas ayaana soo jiitay kooxo ka dhisan Yurub oo awood badan.

Juve ayaa wakiila daawada u dirtay kulankii ay BVB 2-2 la gashay Real Madrid talaadadii lasoo dhaafay ciyaar ka tirsan Champions League wuxuuna Lewandowski heystay fursad uu tayadiisa isugu muujiyo wakiilada.

Si kataba, 24 jirkaan ayaa sii joogi doonin Jarmalka hadii JUuve ay  go’aansato inay soo dhaqaajiso.

Dortmund ayaan dooneyn inay iska iibiso Lewandowski, si ay u ceshatana waxay madaxiisa dul dhigi doontaa 35 milyan oo euro.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa wuxuu kooxda Signal Iduna Park kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2014ka, laakiin BVB ayaa dooneysa inay qandaraaska joogitaankiisa u kordhiso.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.