Kullan Barlamanka lagu horgayn lahaa Golaha Wasiirada oo baaqday.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la filayay in maanta uu Golihiisa cusub ee Wasiirada horgeeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dib loo dhigay.

Wararku waxay sheegayaan inay jiraan doodo dastuuri ah oo ku saabsan dhameystirka xukuumadda, iyadoo Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay doonayaan in si rasmi ah loo dhameystiro xukuumadda oo isku mar la wada keeno wasiirrada iyo wasiiro dowlayaasha.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka  ayaa sheegay in aanay sharci ahayn in Xukuumadda oo aan la dhameystirin la horkeeno Baarlamaanka.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaanno ka soo horjeeda tirada kooban ee Wasiirada cusub oo ah toban wasiir oo kaliya.

Mudanayaasha qaar ayaa doonaya oo u hanqal-taagaya in xilalka dhiman sida Wasiir Dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada wax laga siiyo.

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tiradii ugu yarayd ee wasiirro ah, marka loo eego xukuumadihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa waxaa ay kala yihiin:

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo hoos u wada hadlaya markii wasiirrada lagu dhawaaqayay

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshad