Inter oo laga yaabo inay aqbasho dalab 20 milyan ah oo ay Man Utd uga rabto Sneijder.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee CalcioMercato ayaa tebinaya in Inter Milan ay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 20 milyan oo euro ah oo Manchester United ay uga dooneyso kubad sameeyahooda Wesley Sneijder. Sida uu qoray Caught Offside.

Sir Alex Ferguson ayaa horay loola xiriirinaayey xiisaha 28 jirkaan usoo ciyaaray Ajax iyo Real Madrid kaasoo ka baxay qorshaha kooxda garoonka lagu soo bilaabo ee tababare Andrea Stramaccioni.

Sneijder iyo Stramaccioni ayaa lasoo werinaayey inuu dagaal dhex maray iyadoo ciyaaryhanka qadka dhexe ee Nerazzurri uu kasoo kabsanaayo dhaawac soo gaaray horaantii September.

Inter Milan ayaa guulo gaartay todobadeedii kulan ee ugu dambeysay Serie A, marka lagu daro guushii Turin oo ay kusoo afjartay 49kii kulan ee aan Juventus dhinaceeda dhulka la dhigin. Waxaana lasoo jeedinayaa inaysan kooxda ka dhisan Talyaanigu u dhutin doonin Sneijder sidaas darteed ay alabaabka u furi doonaan dalab uga yimaada Man United.

Paul Scholes iyo Michael Carrick oo aan ka qeyb faadan Karin falsafada Man United ee ku dhisan weerarka iyo Darren Fletcher iyo Anderson oo aan haybad u laheyn gool dhalinta iyo sada goolal loo caawiyo. Tom Cleverley ayaa lagu amaanay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee uu lasoo baxay dhowaanahaan laakiin malahan tayada iyo waaya aragnimada Sneijder waxaana laga yaabaa inuu fursad badan ka helo masraxa riyada Old Trafford.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.