Robert Pires oo Ashley Cole kula taliyey inuu ku biiro kooxda Paris St Germain.

Robert Pires ayaa u sheegay daafaca Chelsea Ashley Cole inuu ku biiro kooxda qaniga ah ee Paris St Germain. Sida uu qoray Wargeyska The Sun.

Ciyaaryahanka Chelsea ayaa isbuucii mushaar ahaan u qaata 120 kun oo ginni wuxuuna qandaraaskiisu ka dhacayaa xagaaga soo aadan waxana ay wararku soo jeedinayaan in daafaca dadabka bidix uu Blues ka doonayo wax ka badan hal sano oo qandaraas ah.

Wuxuuna Pires — Cole oo ay Arsenal isku koox ku ahaan jireen u sheegay in 200 kun oo ginni oo isbuucii mushaar loo siiyo uu kula biiro kooxda PSG taasoo Carlo Ancelotti uu gelinaayo qarash xoog badan.

Halyeeygii Gunners ayaa yiri Sida aan kasoo xiganay The Sun: “Paris ayaa xiiseyneysa Ashley, heer Sport iyo heer xamaasadeed ba.

“Wuxuu dhihi karaa Paris waa meel Okay ah. Qorshayaashu waa kuwo soo jiidana, si fiican ayaana u waana hubaa inuu Cole xiiso u qabo.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.