Chelsea oo 40 milyan ku dooneysa xidigaha Everton Baines iyo Marouane Fellaini.

Chelsea ayaa diyaar u ah inay lacag badan kusoo iibsato labada ciyaaryahan ee Everton Leighton Baines iyo Marouane Fellaini xilli uu Roman Abramovich sii wado qarash gareynta uu ku dhisayo kooxdiisa Stamford Bridge. Sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka ayaa ka faa’iideysanaya ka dib markii ay kooxdiisu ku dhawaaqday isbuucaan inay sanadii lasoo dhaafay heshay faa’iido dhaqaale.

Tababare Roberto Di Matteo iyo Agaasimaga farsamada Chelsea Michael Emanelo ayaa isla afgartay inay labada ciyaaryahan ee Everton usoo dhaqaajiyaan Galbeedka London iyadoo ay kooxdu ku dalban doonto 40 milyan oo ginni, taasoo laga yaabo in gudoomiyaha Everton Bill Kenwright uu aqbali doono.

Chelsea ayaa dooneysa in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgian Marouane Fellaini u adeegsato  isku xirka qadkeeda dhexe xilli uu 24 jirkaani wacdaro ka dhigayo Godson Park Stadium, halka ay Leighton Baines u qaadaneyso bedelka Ashley Cole maadaama uu 31 jirkaani kasii Tegaayo Stamford Bridge.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.