Juxa oo weerar ku qaaday Kheyre “Wuxuu noo quuri waayey qaado shamiito ah”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya deegaanada Puntland, oo Juxa uu kasoo jeedo.

Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isaga oo kaga jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland.

Kheyre ayaa maanta ka baaqday munaasabaddii dhagax dhigga dekaddaas, ayada oo sida la sheegay uu cadaadis uga yimid siyaasiyiinta Galmudug oo dekaddaas u arkay inay halis ku tahay dekedda Hobyo, oo dhismaheeda uu socfo.

Juxa ayaa qoraalkii uu soo dhigay Facebook, oo uu cinwaan uga dhigay “Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”.  ku yiri “Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer. Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?”

Kheyre iyo Juxa ayaa horey ay xiisad uga dhaxeysay, ayada oo Juxa xilka wasiirka arrimaha gudaha ku waayey, markii ay is-qabteen Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa xoghayihii joogtada wasaaradda, oo sida la sheegay la wareegay shaqadiisa, isaga oo tagaeero ka helaya Kheyra, inkasta oo markii dambe loo beddelay xafiiska Kheyre. Yaxye iyo Kheyre ayaa isku beel ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com