K/Galbeed oo shaacisay 3 qodob oo hortaagan kulanka madaxda DF iyo maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu beeniyey warar maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay inay is-hortaag ku sameysay shir dhex-mari lahaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo la soo dhoodhoobay.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in wada-hadallada labada dhinac loo saaray guddi gaar ah oo ka doodaya ajandaha shirka, goorta iyo halka lagu qabanayo.

Koonfur Galbeed ayaa intaas ku dartay in guddiga ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin ajendaha shirka, goorta iyo meesha uu shirka ka dhici doono.

Ugu dambeyn warka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay marti-gelinta shirkaasi.

Shirarkii u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo hakad ku jira, sababo la xiriira khilaaf u dhexeeya Villada Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland.