DF oo shaacisay inay dalka ka difaaceyso DP WORLD

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Al-Carabiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta, taas oo weli maalgashi ka wada gudaha Soomaaliya.

Cawad ayaa sheegay in maalgashiga shirkaddaasi oo horey ula wareegtay dekadaha Bebera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland uu yahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in DP World ay khatar weyn-gelisay midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku xad-gudubtay dalkeena.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay marar badan u samirtay shirkaddaasi, balse haatan wixii ka dambeeya ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed inay dalka ka difaacdo shirkadda DP World.

“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta.”ayuu yiri Cawad.

Shirkadda DP World ayaa horey dalka looga mamnuucay, kadib go’aan ay bishii March sanadkii 2018-kii soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse waxaa jirta in weli ay maamusho dekedaha ku yaalla Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiis hoosaad kala gashay maamullada Somaliland iyo Puntland.