Xog: Dhammaan shaqaalaha G/Banaadir oo hal sharuud lagu xiray shaqadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wax lagu sheegay wejiga labaad ee heerka hubinta adag ee shaqaalaha gobalka Banaadir ayaa toddobaadkaan ka bilaawday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Dhamaan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir ayaa loo diray iney xarunta keensadaan oday dhaqameedka Beesha iyo Xildhibaanka ku matala baarlamaanka Soomaaliya si looga qoro damiin buuxda.

Shaqaalaha ayaa hore looga qoray magacyada nabadoonadooda, xildhibaanada matala iyo dadka damiinan kara, waxaana hadda billowday iney xarunta keenaan xildhibaankooda iyo oday dhaqameedkooda.

Qaar kamid ah dadkii geeyay oday dhaqanka iyo Xildhibaanka oo isla socda ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu saxiiyay warqad uu dusha ku saaranayo wixii ka yimaada muwaadinka uu matalo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar ay diideen iney xarunta tagaan halka qaarkoodna ay ka meer meerayaan taas oo halis gelin karta shaqada muwaadiniin badan oo hadda shaqeeya.

Tan iyo markii qarax lagu dilay Allah ha u baxariistee duqii iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Injineer Yariisow waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta gobalka, waxaana sidoo kale aad loo baaray shaqaalaha gobalka.