Xisbiyada SOMALILAND oo jawaab ka bixiyey arrintii uu shaaca ka qaaday Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

Halkaas madaxweynaha waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto.

“Sida uu cadeeyay guddoomiyaha xisbigeena UCID Feysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaawsay waqtigii olalaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo cadeeyo Af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xiranyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaawdo” ayuu yiri Yuusuf Keyse.

Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golayaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle aysan jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas.

“Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaawdaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horeysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u cadeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yiraahdo ay wadahadalkii bilaabayan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee Wadani Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waqti kooban uu mudadii xilheynta uga haray madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso.

“Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid waqti kooban u haray, hadalka kasoo yeerayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal ma uusan dhigan, aniguna maba jecli in la hor fariisto gabigiisba” ayuu yiri masuulkan ka tirsan Xisbiga Wadani ee Somaliland.

Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii.

Halkan hoose ka dhageyso codadka xubnaha xisbiyada UCID iyo Wadani. 

Halkaana ka dhageyso codka Farmaajo ee ku saabsan arrintaas