K/Galbeed oo shaacisay in xeebaha maamulkaasi lagu la’yahay 13 doomood

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xeebaha deegaanada maamulkaasi lagu la’yahay illaa 13 doomood oo nooca kalluumeysiga ah, kadib dableyo ku dhufay badda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in roobab dabeylo wata oo ka da’ay xeebahaas ay ku geeriyoodeen illaa lix ruux.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa digniin culus loogu diray kalluumeysatada iyo dadka degan deegaanada u dhow xeebaha ku yaalla maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa shaacisay in iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda ay uga digeyso kalluumeysaatada Soomaaliyeed dabeylaha uu wato roobka xagaaga ee ka da’aya dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay badda, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

”Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka taxadareysa badqabka Kalluumeysatada naaquudayaasha iyo hantidoodabada ay muhiim u tahay waxaay ku wargelineysaa inay ka joogsadaan gelista Badda inta Cimilada Badda ay wax iska bedelayaan oo Culimada saadaasha ay noogu sheegeen in ilaa Bisha Octoober ay dabeylaha socon doonaan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Koonfur Galbeed.

Dhowaan ayey aheyd markii doon siday rakaab oo ka baxday xeebaha magaalada Muqdisho ay ku degtay xeebta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.