Xukuumada Somaliland oo ka been sheegtay xiisadda ka taagan doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markale si cad uga been sheegtay arrin muddooyinkii dambe ka taagneyd deegaanadeeda, taasi oo la xiriirtay arrimaha doorashooyinka oo muran badan ka abuurtay gudaha Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Gabiley ayaa sheegay in gebi ahaanba la dhameeyay caqabadihii hortaagna qabashada doorashada, isla markaana ay doorashadu qabsoomeyso, xili ay si weyn uga soo horjeedaan beelo dhowr ah oo dega Somaliland.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka ayaa u muuqda mid uga sii daraya muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka oo qaar kamid ah beelaha Somaliland ay si cad u qaadaceen, haddii aan dib u eegis lagu sameyn saami-qeybsiga doorashada.

Sidoo kale waxa hadalkaasi u muuqda mid daah lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan Somaliland, iyada oo maalmihii u dambeeysay ay kasii dareysa xiisada ka dhalatay saami-qeybsigu

Xaalada murugsan ee ka dhalatay muranka doorashooyinka ayaa weli ka taagan Somaliland, kadib markii lagu kala kacay kulamo ay xukuumadu ku rabtay inay ku qanciso beelaha kasoo horjeeda qabsoomida doorashada.

Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba ku fashilmatay in heshiis loo dhan yahay ay ka gaarto qabashada doorashooyinka oo loo asteeyay sannadkan gudihiisa, iyada oo qaar kamid ah beelahaasi ku doodayaan in wax ka badal lagu sameeyo saami-qeybsigii doorashada ee 2005-t