Isku day dib loogu soo nooleynayo khilaafadii islaamiga oo ka billowday Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Wargeys u dhow dowladda Turkiga ayaa dood ka abuuray dalka Turkiga, kadib markii uu boggiisa hore ku daabacay in la joogo waqtigii dib loogu dhawaaqi lahaa Khilaafaddii Islaamka ee dalka, maadaama madxafkii Hagia Sophia loo bedelay masjid.

Gercek Hayat, oo uu leeyahay urur warbaahineed Dowladda taageera oo lagu magacaabo Yeni Safak ayaa soo qaatay sawirka calankii gaduudnaa ee Khilaafadii Cusmaaniyiinta, waxaana dowladda Turkiga uu weydiistay “ Khilaafo ku midooba. Hadda haddii aadnan ku midoobin, goorma? Haddii aadan adinku sameyn ayaa sameynaya?”

Wargeyska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Turkigu uu hadda madaxbanaanyahay kadib masjid u bedelistii Hagia Sophia ee horraantii bishaan.

Gercek Hayat, waxaa uu leeyahay 10,000 oo akhristeyaal rukun ah. Lakiin waxaa soo jiitay jawaab uu bixiyay afhayeenka xisbiga AKP Omer Celik.

“Jamhuuriyadda Turkiga waa dimoquraadi, Calmaani ah, sharcigana lagu maamulo,” ayuu twitter-kiisa ku soo qoray Omer Celik, oo ka falcelinayay maqaalka u horreeya ee wargeyska.

“Waa khalad in la abuuro kala qaybin siyaasi ah oo la xiriirta siyaasadda taliska siyaasadeed ee Turkiga. Jamhuuriyadeenu waa ubaxa indhaheena. Dood aan caafimaad qabin iyo kala qaybin baraha bulshada ka socday tan iyo shalay ee siyaasadeena ma ahan ajandaha Turkiga” ayuu yiri.

Qareeno jooga Ankara ayaa dacwad dambi ka gudbiyay wargeyska, iyagoo sheegay in wargeysku uu ku xadgudbay sharciga oo mamnuucaya kacdoon hubeysan oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Turkiga iyo dadkeeda.

Wargeysyo dhowr ah ayaa cambaareeyey sawirka lagu daabacay bogga hore ee wargeyska. Cinwaanka aad ayaa loogu hadal hayaa Twitter-ka, taageerayaal ayaa difaacaya kuwo kalena waa ay kasoo horjeedaan.

Doodaha nuucaas micno weyn ayey ugu fadhiyaan bulshadda Turkiga tan iyo markii ay Dowladdu Hagia Sophia u bedeshay masjid, taasi oo meesha ka saareysa mid ka ah taariikhii uu ka tagay Kamal Ataturki oo aasasay Turkiga Casriga dagaalkii 1-aad ee dunida kadib.

Intii lagu guda jiray salaadihii furitaanka masjidka, Ali Erbas oo ah madaxa hoggaanka Arrimaha Islaamka, ayaa Maxamedkii 2-aad oo ka mid ahaa suldaanadii Khilaafaddii Cusmaaniyiinta kasoo xigtay oraah bartilmaameedsaneysa cid walba ee isku dayda in ay Hagia Sophia ka bedesho masjid.

Mucaaradka calmaaniga ah waxay hadalkaas u fahmeen in uu yahay weerar ka dhan ah Ataturk, kaasi oo dhismaha madxafka u bedelay sanadkii 1934-kii.

Ataturki waxaa uu meesha ka saaray Khilaafadii ku dhawaad 100 sano ka hor taasi oo ay qayb ka ahayd isbedel uu wadanka ka sameeyay.

Isbedel diidka diimaha ee Turkiga ayaa u arkayay dhaq-dhaqaaqii Ataturk, tallaabo ka dhan ah midnimada muslimiinta Adduunka.

Ataturk, markii uu joojiyay nidaamkii Khilaafada waxay taasi soo afjartay awoodihii iska soo horjeeday ee wadanka dhexdiisa, Laakiin sharci ay Golihii Qaran ee Turkiga sixiixeen ayaa awoodda gacanta u gliyay baarlamaanka.

Qaar ka mid ah MuslimiintaTurkiga ayaa la arkayay iyagoo sheegaya in hadda baarlamaanku uu leeyahay awoodda ah in uu Khilaafo ku dhawaaqo. Codbixin la sameeyay sanadkii lasoo dhaafay ayaa muujisay in inta ugu badan ee dadka Turkigu aysan dooneyn in ay soo noqoto Khilaadii dalkaasi ka talin jirtay.